Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda dowladda Soomaaliya Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan ayaa maanta Magaalada Baledweyne ee Caasimadda gobolka Hiiraan ka furay imtxiaanka Shihaadiga ah ee dugsiyadda Sare.
Ardayda maanta uu Wasiirku u furay Imtixaanka ayaa tiradooda waxa ay gaareysay 1400 oo arday ,kuwaasoo horay ugu baaqday imtixaankii dowladda dhexe ay qaaday.
Wasiirka ayaa ardayda kula dardaarmay in ay dadaal badan ay Muujiyaan,islamarkaana ay ilaaliyaan Nidaamka Imtixaanka.
Waxaa uu tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay nasiib u yeelatay in markii ugu horreysay dalka Gudihiisa Imtixaanka lagu diyaariyo, sidoo kale ay diyaariyaan dadka Soomaaliyeed.
Ardayda kunool Magaalada Baledweyne ayaa ka haray Imtixaanka Shihaadiga ahaa ee dugsiyadda Sare ee ay qaaday dowladda Soomaaliya ka dib markii Fatahaado badan ay ku dhufteen Magaaladaasi.