Home Wararka Wasiirada Arrimaha Dibadda iyo Gudaha oo xilalkii la wareegay

Wasiirada Arrimaha Dibadda iyo Gudaha oo xilalkii la wareegay

SHARE

Muqdisho-RisaalaFM- Munaasabado ay xilalka kula wareegayeen Wasiirada Arrimaha Gudaha iyo Dibadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho, iyadoo uu goob joog ka ahaa Ra”iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxmed Guuleed, Wasiiro, xildhibaano iyo mas’uuliyiinta Wasaaradahaasi.

Intii ay socdeen munaasabadahaasi xil wareejinta ah waxaa lagu soo bandhigay waxqabdka Wasiiradii hore ee Arrimaha Gudaha iyo Dibadda Yuusuf Garaad Cumar iyo Cabdi Faarax Siciid (Juxa), iyadoo sidoo kale lagu soo dhaweeyey Wasiirada cusub ee Wasaaradahaasi, Mudane Axmed Ciise Cawad Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Cabdi Maxamed Sabriye Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo dib u heshiisiinta.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxmed Guuleed ayaa ugu horeyn uga mahadceliyay Wasiiradii hore waxqabadkooda mudadii ay xafiiska hayeen, wuxuu sidoo kale kula dardaramay Wasiirada Cusub oo xilka la wareegay in waajibaadkooda ay u gutaan si hufan.

Dhawaan ayaa degreeto ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya waxaa xilkii looga qaaday Wasiirada Arrimaha Gudaha, Dibadda iyo Ganacsiga iyadoo isla wareegtadaasi lagu magacaabay Wasiiro cusub.