Home Wararka Wasiir Yuusuf Garaad oo maanta hortagaya Baarlamaanka

Wasiir Yuusuf Garaad oo maanta hortagaya Baarlamaanka

SHARE

Muqdisho-RisaalaFM- Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa maanta lagu waddaa in uu hortago Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo la hadlay Risaala ayaa sheegay sababta Wasiirka loogu yeeray inay tahay kaliya arrimo ku aadan wax ka waydiinta shaqada Wasaaradda arrimaha Dibadda Soomaaliya.

“Fariinta waxa ay nagu soo gaartay in Wasiirka arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Cumar uu hor imaanayo Baarlamaanka, Xildhibaanadana ay wax ka weydiinayaan arrimo ku saabsan shaqada Wasaaradda arrimaha Dibadda Soomaaliya.” Ayuu yiri Xildhibaan Dalxa.

Xildhibaan Dalxa ayaa la waydiiyay su’aal ku aadan jiritaanka warar la isla dhexmaraayay oo ku saabsan in Mooshin laga keenay Wasiirka arrimaha Dibadda Soomaaliya, ayaa wuxuu ku jawaabay in dadka si qaldan ay u fahmeen Mooshin, Wasiirkana aanan laga keenin Mooshin.