Wasiirkii caddaada Masar Axmed Al-Zind oo shaqada laga eryay kaddib markii u gaffay NNNK
Wasiirkii caddaada Masar Axmed Al-Zind Bidix oo shaqada laga eryay kaddib markii u gaffay NNNK
Ra’iisal wasaaraha Masar ayaa maanta oo Isniin ah shaqada ka eryay wasiirkii caddaaladda Axmed Al-Zind kaddib markii isagoo si toos ah uga qeybgalaya barnaamij ka baxayay TV-ga uu gaf u geestay Nabbi Maxamed Nabadgalyo iyo naxariis korkiisa Allaha yeelee.
Ka hor inta aan la eryin wasiirka caddaaladda waxaa jirtay cambaareen dowladda uga timid shacabka oo lagu eedeenaayo wasiirka hadalka uu sheegay.
Wasiirka inta aan shaqada laga eryin waxaa u yeeray ra’iisal wasaaraha Masar oo ka codsaday si loo dajiyo xiisadda arrintan ay sababtay in uu is-casilo balse wasiirka caddaaladda ayaa ka dhaga adeegy dalabkaas waxaana taas ay soo da dajisay in xilka laga xayuubiyo Axmed Al-Zind.
Hadalka wasiirka uu sheegay waxa uu aad u qabtay baraha Internetka ee bulshadda ay ku kulmaan iyo guud ahaan dalka Masar oo dhan.
Wuxuu yiri “Haddii xittaa Nabbi Maxamed uu sharciga wax u dhimmo tallaabo ayaan ka qaadi lahaa”
Wasiirka ayaa xilligaas ka jawaabayay su’aallo toos looga weydiinayayy TV-ga oo ku saabsanaa sharciga.
Si kastaba, Wasiirka shaqada laga eryay ayaa degdeg u codsaday in la iska cafiyo isagoona hadalka uu sheegay ku tilmaamay mid uusan ulakac ugu talagalin.
Al-Zind ayaa wasiirka caddaaladda ahaa tan iyo bishii May ee sannadkii horre.
Ninkan ayaa caan ku ahaa in uu ka soo horjeesto ururada Islaamka sidda Ikhwaanul Muslimiinka laga mamnuucay dalka Masar.