Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya Cabdisalaan Cumar Hadliye ayaa maanta lagu wado in uu khudbad uu kaga hadlaayo xaalada Soomaaliya in uu ka jeedo kulanka golaha guud ee Qaramada Midoobey ee ka socda magaalada New York ee dalka Mareykanka.
Wasiirka ayaa lagu wadaa in uu ka hadlo arimaha badan oo quseeya Soomaaliya oo ay ka mid yihiin xaalada qaxootiga Soomaaliyeed ee kunool daafaha caalamka , la dagaalanka Al-Shabaab , iyo sidoo kale doorashooyinka lagu wado in ay dhawaan ka dhacaan Soomaaliya.
Wasiir hadliye oo mataalaya dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu wado in uu soo hadal qaado taageerada ay beesha caalamku ay siiso Soomaaliya iyo sidoo kale sidii loo kordhin lahaa.
Kulanka golaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa wali ka socda magaalada New York iyadoo ay khudbadaha madaxda caalamka lagu soo qaadayo arrimo badan oo kala duwan.
Madaxweyne ku xigeenka Kenya William Ruto ayaa shalay si weyn uga hadlay arimaha Soomaaliya iyo sidoo kale howgalka ciidanka Kenya ay ka wadaan gudaha Soomaaliya.