Home Wararka Wasaaradda Amniga oo Risaala uga warantay Qaraxyadii xalay dhacay

Wasaaradda Amniga oo Risaala uga warantay Qaraxyadii xalay dhacay

SHARE

Muqdisho-RisaalaFM- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Weerar laba qarax watay oo xoogag ka tirsanaa ururka Al-shabaab ay ku soo qaadeen meel ku dhow Madaxtooyada Soomaaliya, gaar ahaan Taalada Dhagaxtuur.

Weerarkan oo salaadii Maqrib kadib ka bilowday wadada Sayidka ayaa waxa uu soo gaaray ilaa xalay fiidkii 08:00 habeenimo, Ciidamada ammaanka iyo raggii weerarka soo qaaday ayaa waxaa dhexmaray dagaal kooban.

Intii uu weerarka socday ayaa waxaa dhacday laba qarax oo ka kala dhacay Taalada Dhagaxtuur iyo Hotelka Dorbin oo ku yaalla Agagaarka Isgoyska Jubba, waxaana qaraxyada dhacay loo adeegsaday Gawaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay.

Qaraxyada dhacay waxaa ku geeryootay in ka badan 18 qof, halka sidoo kale ay ku dhaawacmeen dad ku dhow 20 qof, oo isugu jira Askar iyo shacab, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga C/casiis Ibraahim (Xildhibaan) oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in Ciidamada ammaanka ay ku guuleysteen in ay soo afjaraan weerarka, ayna dileen Shan nin oo uu sheegay in ay ahaayeen raggii weerarka soo qaaday.

Waxaan weydiinay khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarkii xalay, balse nooma uusan sheegin, wuxuuna inoo sheegay in maanta ay sheegi doonaan khasaaraha dhabta ah.

“Ciidamada ammaanka waxay ka hortageen, khasaaraha badan ee ka dhalan lahaa weerar ay soo qaadeen Maleeshiyaadka Shabaab, weerar ayay ku soo qaadeen wadada Sayidka, Qaraxyo ayaa jiray intii uu weerarka socday oo ka kala dhacay Hotelka Dorbin iyo Dhagaxtuur, Ciidamada waxay ku guuleysteen in ay dilaan SHantii nin ee weerarka soo qaaday.” Ayuu yiri C/casiis (Xildhibaan).