Baydhabo-RisaalaFM- Maamulka Koonfur Galbeed ayaa shalay soo saaray amaro culus oo ka dhan ah siyaasiyiinta iyo warbaahinta madaxa banaan, iyagoo looga digay inay joojiyaan shirarka siyaasadeed iyo wararka wax u dhimaya maamulka.
Taliyaha Ciidamada Booliska Koonfur Galbeed ayaa sheegay in aan la qaban karin shirarka siyaasadeed ee ka dhanka ah maamulka, islamarkaana cidii qabata ay tallaabo cad ka qaadayaan.
Warkaas mid ka duwan waxaa qaba Wasiiru Dowlada Wasaraadda Amniga ee Koonfur Galbeed Soomaaliya C/qaadir C/raxmaan Cali oo la hadlay Idaacadda Risaala ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in aan wax caburin ah aan lagu heynin siyaasiyiinta ka soo jeeda degaanada Koonfur Galbeed.
C/qaadir C/raxmaan Cali ayaa dhanka kale sheegay in ay jiraan shaqsiyaad gaar ah oo maamulka bartilmaameysanyo, kuwaasi oo uu sheegay in ay caqabad ku yihiin hormarka ka socda degaanada Koonfur Galbeed.
Magaalada Baydhabo ayaa laga mamnuucay shirarka siyaasadeed ee ka dhanka ah maamulka, iyadoo lagu soo rogay Hotelada in aan lagu qaban karin shirar aanu maamulka iyo Hay’adaha ammaanka ogeyn.
Maamulka Koofur Galbeed ayaa waxa uu muddooyinkan dambe la kulmayay culeysyo siyaasadeed oo uga imaanayay siyaasiyiinta, waxaana xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Koonfur Galbeed ay ku hanjabeen inay mooshin ka keenayaan Madaxweynaha maamulkaas Shariif Xasan.