Home Wararka Wariye ku dhaawacmay qaraxii Beledweyne oo geeryooday

Wariye ku dhaawacmay qaraxii Beledweyne oo geeryooday

SHARE

Muqdisho-RisaalaFM- Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya gaar ahaan Isbitaalka Dhigfeer saqdii dhexe ee xalay waxaa ku geeryooday Wariye C/laahi Cismaan Macalin oo ka mid ahaa shaqaalaha TV-ga Jubbaland.

Wariye C/laahi ayaa u geeryooday dhaawac ka soo gaaray qarax ismiidaamin oo 10-kii bishan ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Geerida C/laahi Cismaan Macalin ayaa waxaa Idaacadda Risaala u xaqiijiyay Agaasimaha TV-ga Jubbaland iyo qaar ka tirsan ehelada Marxuumka.

Dhaawaca Wariyaha ayaa in Muqdisho loo soo qaado waxa ay ka dambeysay, kadib markii wax looga qaban waayey Isbitaalada ku yaalla magaalada Beledweyne.

Allaha unaxariistee Marxuumkan ayaa waxaa lagu wadaa in isla maanta lagu aaso magaalada Muqdisho, waxaana hada socota qaban qaabada Aaska.

Qaraxan oo Axadii ina dhaaftay ka dhacay Maqaayad ku dhaw Koontaroolka Koowaad ee laga galo xarunta Maamulka Gobolka Hiiraan ee ku taala Magaalada Baledweyne ayaa waxaa ku dhintay laba qof, halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 9 qof oo ay ku jiraan Wariyeyaal ka howlgalayay magaaladaasi.