Home FAALLOOYINKA WARBIXIN: Shaqo abuur loo sameeyay Barakacayaasha ku nool Xudur

WARBIXIN: Shaqo abuur loo sameeyay Barakacayaasha ku nool Xudur

SHARE

Baydhabo-RisaalaFM- Qoysaskani oo isugu jira danyar iyo Barakacayaashii ku sugnaa Kaamamka ku yaalla duleedka degmada Xuddur ee xarunta gobolka Bakool ayaa noloshooda isbedelo laga dareemayaa kadib kaalmooyinkii kala duwan ee dhawrka mar la gaarsiiyey.

Hay’adaha samafalka ee ka hawlgala gobolka Bakool ayaa deeq lacageed oo kaash ah siiyey dadka ku soo barakacay degmada Xudur, waxaana taasi u abuurtay fursad ay noloshooda dib ugu hagaajin karaaan.

Qoysaskaan oo markii hore ahaa xoolo dhaqato kadib markii xoolahii ay ku wayeen abaartii ka dhacdey dalka gaar ahaan gobolka Bakool ayaa soo galeen degmada Xudur si ay wax ugu bedalaan nolashooda, waxaana hadda ay wadaan sidii ay u sameysan lahayeen ganacsiyo yar yar  iyagoo ka faa’iidaysanaya kaalmada la siiyey.

Cadey Maadkeer Aadan waa 70 jir haysatana 10 Carruur ah waxay ka mid tahay barakacayaasha ku nool  kaamka Ceelberde oo ku yaala duleedka magaalada Xudur waxayna sheegtey in nolosha qeyskeeda isbedel uu dareemey markii la soo gaarsiiyey lacagtaan kaashka ah, waxayna sheegtey in deegdaan lacageed ay heshey xilli qoyskedu uu wajahayey xaalad aad u adag.

“Hada nolasheyda iyo mida qoyskeygaba waxey  ku soo laabatey meeshii laga rabey madaama ay naga dhamadeen xoolihii aan dhaqan jirney, waxaan galney nolol aad u liidata Alle Mahadiis shaqo abuurkaan hada naloo sameeyey nolasheena wax weyn ayaa iska bedelay.” Ayay tiri Cadeey Maadkeer.

Xamdi Cali Yuusuf waa hooyo dhashey 8 Carruur ah waxay ka mid tahay dadka danyarta oo ka faa’ideystey deeqdaan lacageed oo kaashka ah waxaana ka abuuratey ganacsi oo ay nolashooda ay ku mareyn karto.

Xamdi waxay miis yar oo qudaar u saaran ku iibisaa bartamaha magaalada Xuddur waxayna sheegtey sababta ay ganacsi ugu biirtey in ay tahay in nolosha qoyska ay ka raadiso, maadaama ay yihiin dadkii abaarta sida aadka ah ay u sameysay, iyadoo sheegeytey  ganacsigaan ay ku biirtey in ay  u aragto  horumar ay ku tilaabsatey.

Cabdulaahi Cali Deer waxaa uu ku nool yahay  Kaamka Doon-dardiir waa 32 jir waxa uu leeyahay 5 caruur ah cabdulaahi waxa uu sheegey in uu ku faraxsan yahay in uu nasiib u yeesho deeqdaan lacageed oo lasoo gaarsiiyey, cabdulaahi waxa uu kamid yahay dadka lacagta la siiyey ku  furteen  Ganacasi waana xarqaanle wuxuna bilaabey in xarqaankaan ka soo saaro nolasha qoskiisa wuxuna codsadey in lacagta hada lasiyey oo  kaashaka ah  loo  kor dhiyo.

Magaalada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool ee Koonfur Galbeed Soomaaliya waxey ka mid tahay degmooyinka sida aadka ah u saameyey go’doonka ay saareen Shabaab,waxaana go’doonka uu hoos u dhigey nolasha iyo horumarka dadka ku nool degmadaasi.

Cali Macalin Waxa uu ka mid yahay Ganacsatada Magaalada Xuddur waxaana uu ka waramay lacagtaan kaashaka ah oo dadka la gaarsiiyey sida suuqyada looga dareemey isagoo sheegey in ka dib markii lacagahaan kaashka ah la bixiyey suuqyada in ay noqdeen kuwo kala socdo dadkii deeqdaan ka faa’ideysteyna waxay bilaabeen in raashiin isugu jira Bur, Bariis, Sonkor iyo Saliid ay iibsadaan.

Guddoomiye Ku xigeenka Gobolka Bakool ahna ku simaha Guddoomiyaha Goboka Cabdulaahi Maxamed Nuur ayaa ka mahadceliyey lacagahaan kaashka ah oo qoysaskaan tabaaleysan la gaarsiiyey wuxuuna intaasi uu ku darey in deeqdan xilligii ku xabooneyd ay timid kamaamul ahaanna ay marlabaad iyo mar Saddexaadba ay ka mahadcelinayaan.

Siid Cali Muuse Maxamed (Ateera).