Maanta oo Arbaco ah Taariikhduna ay ku began tahay 7-Bisha Octoober Waa Maalintii horay loogu balamay inuu qabsoomo Kulan wada xaajood ah oo u dhaxeeya Madaxweyne Xasan Sheekh maxamuud iyo Xildhibaanada Mooshinka ka gudbiyay.
Qoraal ka soo baxay Gudoonka Baarlamaanka ayaa lagu sheegay in Maanta oo Arbaco ah u qabsoomayo Kulankaasi, waxaana Ujeedka Kulanka lagu sheegay Mid lagu Xalinayo qodabadii ku xusnaa mooshinkii xubno ka tirsan baarlamaanka ay ka keeneen Madaxwaynaha 12-ka August ee sanadkan.
Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa tilamamay in Kulankaasi uu yahay mid muhiim ah isla markaana looga baahan yahay Xildhibaanadii keenay mooshinkaasi in ay ka soo qayb galaan si looga xaajooda arinta mooshinka.
Inkastoo uu gudoonka Baarlamaanka uu sheegay inuu qabsoomayo kulanka ayaa hadana waxaa jira Xildhibaano diidan ka qeyb galka iyo qabsoomida kulankaasi.
Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre oo ka mid ah Xildhibaanada diidan ka qeyb galka kulanka taageersan Mooshinka ayaa sheegay ineysan ka qeyb galeen Kulankaasi.
Fikrad taasi ka duwan waxa qaba Xildhibaanad Caasho Koos Maxamuud Cumar oo ka mid ah Xildhibaanada ka soo horjeeda Mooshinka, waxayna sheegtay in kulankaasi uu yahay mid looogu gudbi karo xaaladaha siyaasadeed ee ka jira Dalka.
Siyaasiyiinta iyo Aqoonyahanada Soomaaliyeed ayaa dhankooda siyaabooyin kala duwan ugu hadlay Kulanka Maanta iyo Arrimaha la xiriira Mooshinka.
Siyaasi C/raxmaan Jimcaale Cusmaan ayaa aaminsan in kulanka Maanta uusan xal u ahayn mid lagu xalin karo Mooshinka maadaama sida uu tilmaamay uu gudoonka Baarlamaanka qaatay go’aan aan qodobo sharci ah ku saleysneyd.
Xildhibaanada keenay Mooshinka ayaa weli adkeysanaya dhaqan gelinta iyo in wado sharci ah loo maro Mooshinka ay ka keeneyn Madaxweynaha.
Xildhibaan Cumar Cali Balash ayaa tilmaamay in aysan ka hari doonin Mooshinka ilaa la marsiiyo Wadada Sharciga.
Beesha Caalamka iyo Madaxda Maamulka goboleedyada Dalka ayaa Hay’adaha Dastuuriga ee Dowlada Federaalka Soomaaliya Waxay ku cadaadinayaan ineysan sameysan muddo kororsi.
Sidoo kale Siyaasiyiinta iyo Shacabka Soomaaliyeed ayaa ka walaacsan nooca doorasho ee Dalka ka dhici karta marka la gaaro 2016 Maadaama Madaxda Dowlada ay horay u shaaciyeen in Dalka aysan ka dhici Karin doorasho qof iyo Cod.
W/D:- Wariye Axmed Cabdi Cali