Caafimaadka maskaxda iyo inaad leedahay qof ku jecel ayaa dadka u keena farxad ka badan mida ay keento lacagta badan, ayay heshay daraasaad cusub.
Daraasaadka oo ay samaysay jaamacadda London School of Economics, ayaa eegtay jawaabihii 200,000 oo qof sida sababo kala duwan ay u saameeyeen farxadooda.
Farxad la’aanta ayaa ahayd waxa qof walba ugu dhibka badnaa, halka inay haystaan qof ay is jecel yihiin ay tahay waxa ugu badan ee keena farxadooda.
Richard Layard oo wax ka qoray warbixinta ayaa sheegay in waxyaabaha lagu helay daraasaadka ay u baahan tahay in “dowladda ay qayb cusub ka qaadato”.
Daraasaadka ayaa ku salaysnaa dhowr daraasaad oo caalami ah.
Dadka jira 50 ilaa 70 oo lagula taliyay ‘inay shaqada u fiican tahay’
Prof Richard Layard oo wax ka qoray warbixinta ayaa sheegay in waxa lagu helay daraasaadka ay u baahan tahay dowladda inay qayb cusub ka qaadato farxada bulshada , iyadoo xooga saaraysa inay samayso ” Waxa farxada u keena bulshada” halka ay ka samayso “Waxa lacagta u keena”.
Wuxuu intaa ku daray: “Cadaymaha ayaa sheegaya waxyaabaha dadka muhiimka u ah ee keena farxada iyo farxad la’aanta ayaa ah xiriirka dadka, caafimaadka maskaxda iyo jirka.
” Waqtigii hore dowladda , ayaa ku guulaysatay ladagaalanka saboolnimada , shaqo la’aanta, horumarinta waxbarashada iyo caafimaadka jirka.
Laakiin waxaa sidoo kale muhiim ah hadda xadgudubyada ka dhaca guriga, xaalada caafimaad ee farxad la’aanta (depression and anxiety), qamro cabida badan iyo waxyaabo badan oo kale.
“Waxyaabahan oo dhan waa in diirada la saaraa.”
XIGASHO:- BBC