WARBIXIN:- Dareen ka dhashay Qaraxyada ka dhaca Muqdisho

Muqdisho-RisaalaFM- Shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegeen in dareen la xiriira dhanka amniga ay ka qabaan Qaraxyada maalmihii u dambeeyay ka dhacayay magaalada Muqdisho, iyaga oo sheegay ammaanka Muqdisho inuu u muuqdo mid farah ka sii baxaya.

Qaar ka tirsan shacabka Muqdisho ayaa waxa ay sheegeen in feejignaan dheeri ah ay ku jiraan maalmahan, kadib labadii Qarax ee ugu dambeysay ka dhacay Muqdisho, kuwaasi oo dad badan ay ku dhinteen.

Mararka qaar oo Magaalada aad dhex socoto waxaad arkeysaa shacabka oo ka xuub siibanaya Gawaarida Xamuulka ah, tan iyo markii uu dhacay Qaraxii Zoobe, kaasi oo loo adeegsaday Gaari (TM) ah, oo galaaftay nolosha dad badan.

Sida muuqata Dowladda Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada caqabada ugu weyn ee dhanka amniga ka heysata waa ururka Al-shabaab.

Shan Dagaalame oo ka tirsan Ururka Al-shabaab ayaa Sabtidii ina dhaaftay 28-kii bishan waxa ay weerareen Hoteelka Naasa Hablood laba oo Madaxtooyada Soomaaliya u jira wax ka yar Hal Meyl.

Hadaba aynu eegno Madaxda Dowladda iyo kuwa Maamul Goboleedyada sida ay uga hadleen ammaanka Muqdisho.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa sheegay inaan loo baahneyn mar walba oo ay wax dhacaan in Tacsi iyo Baroordiiq la sameeyo, balse taas bedelkeeda ay muhiim tahay in dagaal fool ka fool ah lala galo Shabaabka.

Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay Dowladda in ay heysato hawada, Shabaabna ay heystaan dhulka, taasna aysan aheyn mid macquul ah oo la doonayo in wax laga qabto.

Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay Muqdisho jidadkeeda keliya in ay furan yihiin boqolkiiba 30%, halka boqolkiiba ay xiran yihiin 70%, sidaasi oo ay tahayna aysan ammaan aheyn.

Madaxweynaha Jamhuuiyaradda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in la abaabulayo Ciidamo loogu magac daray Ciidanka Difaaca, si ay ula dagaalamaan Shabaab oo ay dalka uga saaraan.

Madaxda Dowladda oo dhaliilo kulul kala kulmay qaybaha bulshada, ayaa dadaal ugu jira, sidii ay u sixi lahaayen khaladaadka ka jira suggida nabadgelyada.

Weerarkii ugu dambeeyay ee Shabaabku ku galeen Hotel Naasa Hablood 2 oo ku yaala meel ku dhow Xarunta Madaxtooyada Somaliya, ayaa Madaxda Dowladda ku khasbay in ay xilalkii ka xayuubiyaan Taliye-yaashii Booliska iyo NISA.

W/D:- Abdirashiid Ali Dubbad