Liverpool ayaa rajeyneysa in taajiriinta cusub ee Shiinaha inay ugu danbeyn ka caawiyaan inay arkaan dusha danbe ee Mario Balotelli kaasoo qandaraaskiisa Anfield ay uga harsan tahay hal xilli ciyaareed.
Manchester United ayaa wicitaan baryootan ah wacday wakiilka Jose Mourinho iyagoo ka cabsi qaba inuu dib ugu laabto Inter Milan, inkastoo uu Mourinho beeniyay inuu noqonayo tababaraha cusub ee kooxda Serie A ka dhisan.
Tababaraha cadaadiska uu saaran yahay Louis van Gaal ayaa haatan waxaa loo arkaa nin dhintay oo soconaya waxaana aragtidaas aaminsan xiddigaha Manchester United.
Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa indhaha ku haya bedelka goolhaye Simon Mignolet isagoo doonaya goolhayaha Real Betis Antonio Adan.
daily star
Kabtanka England Wayne Rooney iyo xaaskiisa Coleen ayaa shaqeysan doona isbuucii HAL MILYAN GINNI haddii y ka tagaan Manchester oo ay u wareegaan Shiinaha.
daily mail
Xiddigaha waa weyn ee Manchester United ayaa u sheegay maamulaha kooxda Ed Woodward inuu ceyriyo Louis van Gaal.
David de Gea ayaan wax dhaawac halis ah soo gaarin ka dib baaritaankii lagu sameeyay jilibkiisa.
Qorshaha Gary Cahill uu ku doonayo inuu ku dumiyo gurigiisa islamarkaana uu ku bedelo guri weyn oo ku kacaya 7 milyan ginni ayaa ka careysiisay deriskiisa.
Chelsea ayaa u dirtay Jose Mourinho koobiga koobabkii uu ku guuleystay xilli ciyaareedkii hore iyo warqad mahadcelin ah iyagoo doonaya inay dib u soo celiyaan xiriirkii burburay bishii December.
Wadahadalo cusub oo la xiriira suurtogalnimada in fasax la qaato waqtiga qaboobaha ayaa dhexmaraya xiriirka kubada cagta Ingariiska iyo madaxda horyaalka Premier League.
daily telegraph
Maamulaha sarre ee xiriirka kubada cagta Ingariiska Martin Glenn ayaa aaminsan in kooxda ku guuleysata koobka FA Cup in boos laga siiyo Champions League.
daily mirror
Chelsea ayaa isku dayaysa inay ka hoos xado Barcelona iyo Manchester City saxiixa da’ yarka aadka loo qiimeeyo ee reer Holland Riechedly Bazoer.
Mark Clattenburg ayaan loo magacaabi doonin inuu kulan dhex dhexaadiyo wareega soo socda ee horyaalka Premier League ee isbuuca danbe.
Brendan Rodgers ayaa dalab qaali ah ka helay Shiina si uu ugu biiro kacaankooda kubada cagta.
Chelsea ayaa xagaagan u dhaqaaqeysa xiddiga kooxda Roma Radja Nainggolan.
daily express
Paul Pogba ayaa u sheegay Pep Guardiola inuu doonayo inuu la shaqeeyo isaga taasoo keeni doonta in Chelsea ay haatan tartan adag la gasho Manchester City.
Louis van Gaal ayaa seddex kulan has three games to prevent his distinguished managerial career ending in the sack.
the guardian
Louis van Gaal ayaa dhumiyay taageerada ciyaartoyda waa weyn ee Manchester United kuwaasoo doonaya Jose Mourinho.