Wararkii ugu dambeeyay ee Khilaafka Madaxda Galmudug

Waxgaradka kasoo jeedda degaanada maamulka Galmudug ayaa bilaabay dadaallo kala duwan oo lagu xalinaayo Khilaafka ka dhaxeeya Madaxda Galmudug.

Xildhibaanada Galmudug ayaa kulan ay yeelan lahaayeen uu baaqday ka dib markii la sheegay in ciidamo ka tirsan Nabad Suggida ay u diideen Xildhibaanada in ay galaan Xarunta Baarlamaanka.

Banaanbaxyo waa weyn oo lagu taageeraayay Madaxweyne Xaaf ayaa maanta ka dhacay Magaalada Cadaado.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Galmudug ayaa ku baaqay in Madaxweyne Xaaf uu horyimaado Baarlamaanka si Su’aallo looga weydiiyo Go’aankiisa ku aadan taageerada Xulufadda Sucuudiga.

Sidoo kale Maanta waxaa Magaalada Cadaado loo diiday in ay ka dhoofaan Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug.