Wararkii ugu dambeeyay Duufaanta Pawan oo soo gaartay degaano ka mid ah Puntland

Duufaanta Pawan ayaa  ku dhufatay degaano  ka mid ah xeebaha Soomaaliya, waxaana ay saameyn weyn ku yeelatay degaano ka mid ah Maamulka Puntland, gaar ahaan kuwooda ku yaalla dhanka xeebta.

Shacabka deegaannadaasina waxaa lagula taliyey iney badda iyo dhulka badkiisu hooseeyo ay ka fogaadan.

Roobab xooggan ayaa wali ka da’aya degaano ka mid ah maamulka Puntland tan iyo xalay, waxaana Mas’uuliyadda maamulka ay xaqiijiyeen geeridda hal qof.

Magaalada Garowe ayaa ka mid ah meelaha Saamaynta ay roobabkan ku keeneen oo mudo tobon saac ayay magaaladu korontadu ka maqnayd.

Magaalooyinka uu hada roobku aad uga da’ayo waxaa ka mid ah Magaalada Eyl oo sidoo kale ka mid ah meelaha laga digayo inay duufaantan ku dhufato.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa faahfaahin ka bixiyay roobab dabeylo wata oo Saacaddihii lasoo dhaafay ka da’ay degaanada maamulka Puntland.

Wasiirka ayaa sheegay in Khasaare Nafeed iyo mid Hantiyadeed ay sababeen roobabka ka socda degaanada maamulka Puntland,islamarkaana ay waddaan gurmadyo kala duwan.