Home Wararka Warar ku saabsan xaalada Tukaraq

Warar ku saabsan xaalada Tukaraq

SHARE

Tukaraq-RisaalaFM- Wararka saakay inaga soo gaaraya degaanka Tukaraq ayaa waxa ay sheegayaaan in saakay xaalad deganaansho laga dareeymayo halkaasi, oo uusan jirin dagaal socda.

Warar ay Idaacadda Risaala ee magaalada Muqdisho heshay ayaa sheegaya in xalay markale uu dhacay dagaal u dhaxeeyay ciidanka Somaliland iyo Puntland, kaasi oo la xiriiray dagaalkii shalay dhexmaray labadan dhinac.

Ilaa hadda lama xaqiijin karo khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaaladan dhacay waqtiyada kala duwan, inkastoo labada maamul ay guulo ka kala sheegteen dagaaladan.

Wararkii ugu dambeeyay ee saakay naga soo gaaraya degaanka Tukaraq ayaa sheegaya in labada ciidan ay soo kala gaareen gurmadyo ciidan oo ka kala yimid magaalooyinka Garowe iyo Hargeysa.

Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya Michael Keating ayaa war qroaal ah oo uu soo saaray wuxuu ku sheegay in colaad aysan waxba tareyn balse loo baahan yahay in xasarada loo bedelo wada hadal ay yeeshaan Somaliland iyo Puntland.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa dhankiisa war uu soo saaray shalay wuxuu ku baaqay in si shuruud la’aan loo joojiyo dagaalka ka soo cusboonaaday Tukaraq.