Warar ku saabsan xaalada Tiyeeglow

Tiyeeglow-RisaalaFM- Xaalada Degmada Tiyeeglow ee Gobolka Bakool ayaa saakay, waxaana maalinkii labaad gacanta ku haya Dagaalyahano ka tirsan Shabaab, kadib markii shalay ay la wareegeen.

Ciidanka Dowladda iyo kuwa Itoobiya ayaa aroortii hore ee shalay waxa ay isaga baxeen Degmada Tiyeeglow, waxaana saacado kadib qabsaday Shabaab.

ka bixitaanka Ciidanka Dowladda iyo kuwa Itoobiya ee Degmada Tiyeeglow ilaa iyo hada si dhab ah uma cada, sababta ay uga baxeen.

Al-shabaab ayaa shalay waxa ay kulamo la qaateen dadka degan Degmada Tiyeeglow iyo Deegaanada ka akdhow, waxaana ay u jeediyeen khudbado, sida ay Risaala u sheegeen dadka deegaanka.

Dadka Deegaanka ayaa cabsi badan ka qaba in halkaasi uu ka dhaco Dagaal, waxaana shalay barakacay dadka qaar ee halkaasi deganaa.

Maamulka Koonfur Galbeed oo shalay ka hadlay qabsashada Shabaab ee Degmada Tiyeeglow ayaa waxa ay sheegeen in ay bilaabi doonaan Holwgal Shabaab looga saarayo Degmadaasi.