Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya doorashadii Zambia

Dalka Zambia natiijooyin hor u dhac ah ayaa muujinaya in doorashadii madaxweyne ee dalkaasi ka dhacday, uu tiro yar ku horeeyo musaharaxa madaxweyne ee xisbiga mucaaradka ugu weyn, Hakainde Hichilema.

Xogta guddiga doorashada ayaa muujineysa in Mr Hichilema uu ka horeeyo in ka badan lix kun oo cod, madaxweynaha talada haya ee Edgar Lungu.

Guddiga doorashada Zambia ayaa beeniyay eedeymo uu u soo jeediyay Mr Hichilema, oo ahaa in ay gacan ka siiyeen xisbiga talada haya in dib loo dhigo natiijada doorashada.

Guddiga ayaa sheegay in dadka doorashada u soo baxay ay ahaayeen in ka badan boqolkiiba konton iyo todobo, taana ay keentay in ku dhawaaqida natiijada ay dib u dhacdo.

Edgar Lungu ayaa la doortay sanadkii hore, arrintaa ayaa timi kadib dhimashadii madaxweynihii xilligaa talada hayay, Michael Sata.