Chelsea ayaa lagu soo waramayaa iney dhameystiri doonto saxiixa labada xidig ee As Roma Emerson Palmieri iyo Edin Dzeko isniinta ama talaadada sida ay sheegayaan warbixino ka imaanaya Italy.
As Roma waxey jeebka ku shuban doontaa aduun dhan 50 Malyan oo Euro, tababare Eusebio Di Francesco ayaa ka saaray kooxdiisa ciyaari doonta todobaadkaan.
Si kastaba agaasimaha ciyaaraha Roma MONCHI ayaan meesha ka saarin qorshaha lagu iibinayo labdaan xidig, wuxuuna qiray ineysa dhageysan doonaan dalab walba oo xidigaan laga soo gudbiyo.
Dzeko waxaa lagu qiimeeyay aduun dhan 30 Malyan oo Euro, halka Palmieri lagu qiimeeyay 20 Malyan oo Euro oo la raacin doono 5 Malyan oo Euro oo gunno ah.
Maalmo yar ayey qaadan doontaa arintaan, Isniin ama talaado ayaana la filayaa iney soo gaaraan galbeedka London oo ay dhameysdtiraan ka mid noqoshada Blues.