Wakiil ka tirsan Congress-ka Mareykanka oo la toogtay

Stephen Scalise oo ka tirsan aqalka wakiilada Mareykanka ayaa goordhow lagu toogtay magaalada Alexandria ee gobolka Virginia, oo dhinaca koonfureed waxyar ka xigta magaalada Washington DC, sida ay sheegeen saraakiisha gurmadka deg degga ah.

Scalise ayaa waxaa laga toogtay sinta, xilli isaga iyo xubno kale oo ka tirsan sharci dejinta Mareykanka ay isku diyaarinayeen cayaar baseball oo sanadle ah oo la qorsheeyey inay khamiista dhacdo. Waxaa la sheegay in xaaladdiisu tahay mid degan.

Wararka ayaa sheegaya in ugu yaraan shan qof oo kale la dhaawacay. Dadka dhaawaca ah ayaa waxaa ka mid ah kaaliyaha Scalise iyo xubno ka shaqeeya xarunta congress-ka ee Capitol Hill.

Booliiska magaalada Alexandria ayaa qoraal ay soo dhigeen twitter ku sheegay in ninka weerarka fuliyey la qabtay.

Madaxweyne Donald Trump iyo ku xigeenkiisa Mike Pence ayaa sheegay inay xaaladdan la socdaan.

“Waxaan aad uga walaacsanahay musiibadan. Waxaa qalbiyadeena iyo ducadeenu la jirtaa xubnaha congress-ka, shaqaalahooda, booliska Capitol iyo dadka caawinaya” ayuu Trump ku sheegay bayaan uu soo saaray.