Wafdi Goordhow gaaray Baydhabo

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee xarunta Baay ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay gaareen Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo  ay hogaaminayso wasiirka  gargaarka iyo maaraynt  Musiibooyinka Maryan Qaasim Axmed.

Wafdigaan waxaa ka mid ahaa Mas’uuliyiin  ka socda Hay’adaha Gargaarka.

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed.

Sababta ay u tageen magaalada Baydhabo ayaa waxaa lagu sheegay in ay tahay sidii Gargaar deg deg ah loo gaarsiin lahaa dadka ay Abaaruhu Saameeyeen.