Wafdi gaaray Kismaayo “SAWIRRO”

Kismaayo-RisaalaFM- Wafdi ka socda Midowga Afrika in ka badan 20 Dajireyaal.ayaa maanta waxa ay gaareen Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo ku soo dhaweeeyay wafdigan.

Ujeedka wafdigana ayaa waxaa lagu sheegay u kuur galidda xaaladda Abaaraha ee ka jira Jubbaland iyo arrimaha Amniga, sida ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiinta Jubbaland.

Danjire Mamasa Golaha ammaanka iyo Nabadgalyada Midowga Afrika ayaa hoggaaminayay wafdigan, waxaana lacag Abaaraha loogu tala galay ay ku wareejiyeen Mas’uuliyiinta Jubbaland.

 

q1 q2 q3 q4 q2