Muqdisho-RisaalaFM- Magaalada Muqdisho maanta waxaa looga dabaal degayaa 8-da Febraayo oo ah maalinkii la doortay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo).
Sidaasi awgeed ammaanka magaalada Muqdisho ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana xiran wadooyinka qaar ee Muqdisho, si aanay u dhicin arbushaad inta ay socdaan Munaasabadaha lagu xusayo maalintan.
Wadooyinka xiran ayaa waxaa kamid ah Isgoysyada Howlwadaag, Sheekh Cali Suufi, Tarbuunka, Taleex, iyo goobo ka mid ah wadada Maka Al-mukarama oo Ciidamada ay gaadiidka u diidayaan.
Ciidamo hubeysan oo wata Gaadiidka dagaalka ayaa goor sii horeysay oo xalay aheyd waxaa lagu dadiyay wadooyinka Muqdisho, Ciidamada ayaa gaadiidka u diidaya in wadada Maka Al-mukarama ka soo galaan dhanka jid cadayaasha.
Shacabka Soomaaliyeed qaarkood ee u shaqa taga magaalada ayaa saakay waxa ay isticmaalayaan lugtooda, iyada gaadiidka dadweynaha iyaguna ay marayaan wadooyinka qardajeexa.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa markii la doortay sheegay in aanay jiri doonin wado la iska xiro, balse taas mid ka duwan ayaa hada muuqata, waxaan wadooyinka la iska xiraa maalinkii laba jeer.