Home Wararka Wadooyinka Muqdisho qaarkood oo maanta xiran

Wadooyinka Muqdisho qaarkood oo maanta xiran

SHARE

Wadooyinka qaar ee Magaalada Muqdisho, ayaa maanta xiran, waxaana ku sugan ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo gaadiidka dagaalka ku jaray wadooyinka.

Isgoysyka Tarabuunka, wadada KPP illaa Isgoyska Sayidka ee Magaalada Muqdisho, dadkana waxa ay yihiin kuwa lugeynaya.

Gaadiidka dadweynaha ayaa saakay waxaa loo diidayey iney kasoo gudbaan dhanka wadada Wadnaha, soona aadaan dhanka wadada Makka Al-mukarrama.

Boqolaal ka mid ah dadka reer Muqdisho ayaa lagu geynaaya Wadooyinka Magaalada Muqdisho, maadaama aan la ogoleyn in wadooyinka ay maraan Gaadiidka dadweynaha.

Ilaa iyo hadda lama ogga Sababta keentay in la xiro wadooyinka Muqdisho qaarkood Xilli Madaxweynaha Soomaaliya uu ku maqan yahay Safar uu ku maraayo degaanada Galmudug.