Britain, Maraykanka iyo Faransiiska ayaa la kulmaya dhaleecayn shir uga socda Geneva waddamada hubka iibiya ka dib markii ay hub ka iibiyeen Sacuudi Carabiya.
Heshiiska waddamada hubka iibiya oo Maraykanka, Faransiiska iyo Britain sharci ka ah, ayaa loogu tala galay in la baaro hubka la iibinayo iyo sida loo isticmaalayo, gaar ahaan meelaha dgaaalka uu ka socdo, iyo waddamada looga shakisan yahay inay ku xadgudbaan xaquuqda bin’iaadanka.
Laakiin kooxaha xaquuqda bini’aadanka, ayaa sheegay in hub badan oo laga iibiyay Sacuudi Carabiya uu sii badinayo dagaalka ka socdo Yemen.
Sanadkii hore dowladda Britain ayaa ansixisay, hub qiimahiisu dhan yahay 4 bilyan oo dollar oo laga iibinayo Sacuudi Carabiya, Maraykanka ayaa ansixiyay ku dhawaad 6 bilyan oo dollar, Faransiiskana ku dhawaad 18 bilyan oo dollar.
Hayadda Oxfam ee gargaarka iyadoo tilmaamaysa ololaha weerarka ee uu Sacuudiga uu hogaaminayo ee ka socda Yemen, ayaa ku eedeysay Britain in ay ahayd mid taageerta heshiiska hubka hadana ay noqotay kuwa ugu daran ee jabiya sharciga.
Kooxaha xuquuqda bini’aadanka ayaa sheegay, in kumanaan dad rayad ah ay ku dhinteen Yemen, iyo weerarada lagu qaadayo isbitaalada inay cadayn u tahay in loo baahan yahay waddamada in ay dhimaan ama ay joojiyaan ka iibinta hubka waddamada dagaalka uu ka jiro.
Sidoo kale kooxaha xaquuqda bini’aadanka ayaa sheegay, in hubka ay iibiyaan Shiinaha, Koonfur Afrika iyo Ukarain inuu sii kordhiyay dagaalka ka socda Suudaanka Koonfureed.
Adduunka oo dhan hubka la iibiyo ayaa lagu qiyaasayaa in qiimahiisu uu dhan yahay 1.7 trilion oo dollar sanadkii.