DHAGEYSO: Wada hadalka Galmudug & AhluSunna oo maanta ka furmaya Jabuuti

Jabuuti-RisaalaFM- Wada hadalka Maamulka Galmudug iyo AhluSunna ayaa lagu wadaa in wajiga Labaad maanta uu si rasmi ah kaga furmo Magaalada Jabuuti, waxaana garwadeen ka ah Urur Goboledka IGAD.

Magaalada Jabuuti waxaa ku sugan Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, Ku xigeenkiisa Maxamed Xaashi Carabey iyo hoggaamiyaha AhluSunna Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Inkastoo is aragii koowaad ee Labada dhinac uu ka dhacay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa haddana qaybtii Labaad ee shirkan oo rajadiisa ay tahay mid wanaagsan waxa uu ka dhacayaa maanta dalka Jabuuti.

Wasiirkii hore ee Dastuurka Maamulka Galmudug, Cismaan Maxamed Socdaal oo la hadlay Risaala ayaa ka hadlay rajada laga qabo waxa ka soo bixi kara shirkaan maanta isku soo hor fariisan doonaan hoggaamiyeyaasha Galmudug iyo Ahlu Sunna.

Wuxuu sheegay rajo wanaagsan inay ka muuqato shirkaasi, isaga oo tilmaamay in labada dhinac laga rabo inay muujiyaan tanaasul ku aadan hanaanka wada hadalka iyo qodobada shirka qaarkood.

Dadka ka soo jeeda Gobolada Dhexe ee Soomaaliya ayaa rajo wanaagsan waxa ay ka muujinayaan in shirkaasi ay ka soo baxaan waxyaabo mira dhal ah oo ku aadan wada hadalka labada dhinac.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaalle ayaa dadaal badan ku bixinaya sidii uu ula heshiin lahaa Maamulka Ahlu Sunna ee Gobolada Dhexe ee dalka ku sugan.