Waare oo xilka ka qaaday Guddoomiye, mid kalena magacaabay

Jowhar-RisaalaFM- Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xilka qaadis ku sameeyay Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan, kadib warqad ka soo baxday xafiiskiisa.

Guddoomiyaha xilka laga qaaday ayaa waxaa lagu magacaabaa Cali Jeyte Cusmaan, waxaana lagu bedelay Guddoomiye cusub oo lagu magacaabo C/laahi Axmed Maalin, sida ku qoran Warqada.

Madaxweynaha ayaa xilka qaadistiisa u cuskaday in gaabis uu ku yimid howlaha amniga iyo mida horumarinta Gobolka, sidaasi darteedna loo baahday in la helo isbedel deg deg ah.

Guddoomiyaha uu magacaabay Waare ayaa dhawr mar isku dayay inuu qabto xilkan, inkastoo aysan u suuragelin, balse markan ayay u rumowday riyadiisa oo aheyd in mar un qabto xilka Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan.

Maalmahan waxaa soo baxayay warar sheegaya in khilaaf xoogan uu soo kala dhexgalay Madaxweyne Waare iyo Guddoomiyaha xilka laga qaaday Cali Jeyte Cusmaan, taasina ay sababtay in ugu dambeyn xilka laga qaado masuulkan.

Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Maaliyadda iyo midka Amniga ayaa ku sugan Magaalada Beledweyne, halkaasi oo wadatashi ay kula qaadanayeen maalmahan qeybaha kala duwan ee bulshada.

Halkan Hoose ka Akriso Warqada ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Hirshabeelle.