Xiddiga Arsenal Alexis Sanchez iyo weeraryahanka Manchester United Zlatan Ibrahimovic, ayaa ka mid noqday 15 weeraryahan ee ugu sareeyay FIFApro.
Habeenkii xalay ayaa lagu dhawaaqay shaxda ugu wanaagsan ee FIFA sanadka 2016, waxaana weerarka shaxdaas hogaaminayay Lional Messi, Luis Suares iyo C.Ronaldo.
Dhaliyaha kooxda Leicester City Jamie Vardy, ayaa soo tiigsaday kaalinta 13-aad, waxaana ka danbeeyay weeraryahanada Bayern Munich iyo Juventus Thomas Muller iyo Paulo Dybala, halka xiddiga Manchester City Sergio Aguero uu ku dhameystay booska 9-aad, laacibka Arsenal Sanchez ayaa soo tiigsaday kaalinta 11-aad halka uu Ibrahimovic uu ka galay qiimeyntan booska 6-aad.
Haddaba halkaan hoose ka aqriso liiska oo dhameystiran:-
FIFPro top fifteen forwards
- Lionel Messi
2. Cristiano Ronaldo
3. Luis Suarez
4. Neymar
5. Antoine Griezmann
6. Zlatan Ibrahimovic
7. Gareth Bale
8. Robert Lewandowski
9. Sergio Aguero
10. Karim Benzema
11. Alexis Sanchez
12. Gonzalo Higuain
13. Jamie Vardy
14. Thomas Muller
15. Paulo Dybala