Uhuru Kenyatta ayaa mar labaad loo doortay inuu noqdo madaxweynaha Kenya, sida uu shaaciyay guddiga doorashooyinka Kenya. Mucaaradka ayaa ku gacanseyray natiijada. Haddana Uhuru Kenyatta waa kuma?
Doorashadii hore, Kenyatta waxa uu wajahayay maxkamada dambiyada caalmiga ah ee ICC waxaana loo haystay dacwado la xiriira xadgudubyo ka dhan ah aadanaha.
Doorashadan tii ka horreysay dowladaha UK iyo Maraykanka ayaa Kenyanka uga digay in howluhu aysan sidii hore ahaan doonin hadii Mr Kenyatta iyo ku xigeenkiisa William Ruto, oo wajahahaya dambiyo ka dhan ah aadanaha xilka loo doorto.
Maraykanka ayaa waxa uu markaasi ka digay “in natiijada doorashada ay yeelan karto cawaaqib ” halka dowlada Britain ay ka digtay in xiriirka Kenya uu noqon doono mid hoos loo dhigo “.
Iyadoo ay sidaasi ahayd ayaa haddana doorashadii Kenyatta ka dib ,dalka Kenya waxa uu noqotay wadan muhiim ka ah saaxada caalamka.
Wadankan ku yaalla bariga Afrika ayaa waxa uu saaxib dhaw la yahay quwadaha reer galbeedka ah,gaar ahaan marka ay timaado dagaalka ka dhanka ah kooxda al-Shabab ee fadhigoodu yahay Soomaaliya, waqti badana ma aysan qaadan in hogaamiyayaasha reer galbeedka ay go’aansadaan in istaraatijiyadooda dhaqaale iyo midda ammaan iyo guud ahaan danahooda in ay ka muhimsan tahay madaxtinnimad Kenyatta.
Intii uu madaxwaynaha ahaa ayaa Kenyatta waxa uu marti galiyay dhowr shir oo caalami ah waxaana dalka soo booqday hogaamiyayaasha calamka oo ay ka mid yihiin madaxwaynihii hore ee Maraykanka Barack Obama iyo wadadka ugu sareeya madhabta kaatoliga ee Pope Francis.
Guulaha kale ee uu gaaray Mr Kenyatta dhanka dublamaasiyadda ayaa waxaa ka mid ah, in uu abaabulay hogaamiyayaasha Midowga Africa si ay cadadis u saaraan maxkamadda ICC oo ay ugu hanjabeen in ay ka baxayaan maxkamadad hadii aysan tuurin kiiska ka dhanka ah Kenyatta iyo ku xigeemkiisa Ruto.
Kiisaskii ka dhanka ahaa Kenyatta iyo ku xigeenkiisa ayaa la tuuray ka dib markii al waayay caddaymo, inkastoo maxkamadda ICC ay sheegtay in dadkii makhraatiga ahaa loo caga jugleeyay waxa ayna maxkamaddu sheegtay in kiiska dib loo cusboonaysiin karo.
Waa kuma Uhuru Kenyatta?
Waxa uu dhashay 1961, waxa uuna noqday madaxwaynihii ugu da’da yaraa ee Kenya soo mara.
Waxa uu isku tilmaamay madaxwaynihii fahansanaa casriga dunida.
Waxa lagu eedeeyay in uu agaasimay weeraro lagu qaaday taageerayaasha Raila Odinga ka dib doorashadii 2007 .
Waxa uu diiday dacwadahaasi ,waxa uuna sheegay in ay yihiin shirqool ay soo maleegeen reer galbeedka.
Waa wiil uu dhalay madaxwaynihii ugu horreeyay ee dalka, Jomo Kenyatta.
Wa mid ka mid ah dadka ugu hantida badan Kenya ,sida ay sheegtay jariirada Forbes magazine.
Afar sano ka hor Mr Kenyatta ayaa waxa uu ku shabadeeyay , Raila Odinga oo xiligaasi la tartamayay imikana tartanka kula jira in uu yahay mid ay wataan dowlado shisheeyay.
Waxa uu Kenaynka ugu baaqay in ay diidaan Mr Odinga ayna difaacdaan madaxbananidooda.
Fariintan ayaa xoojisay gundhigiisa gaar ahaan isaga oo taageero ballaaran ka helay qowmiyadda uu ka soo jeedo ee Kikuyu iyo qowmiyada uu ka soo jeedo Mr Ruto ee Kalenjin, taasi oo oo horseeday in ay guulaystaan.
Waxa uu sidoo kale siyaasiyiinta rug cadaaga ah ku tilmaamay in ay yihiin kuwa aan la socon tiknoojiyada casriga ah sida Mr Odinga, oo imika jira 72 sano, waxa uuna sheegay in ay tahay in awooda ay ku wareejiyaan dhalinyarada jiilka tiknoolajiyada.
Mr Kenyatta waa nin kaftan badan,firfirccoon islmarkana daggan,waa nin saaxib wanaagsan ah islamarkana si firfircoon waxa ayna taageerayaashiisa sheegeen in uu yahay madaxwayne bulshaawi ah .
Haseyeeshee intii uu xilka hayay ayaa dadka dhaliila waxa ay ku eedeeyeen in Mr Kenyatta uu xaddiday xorriyatul qowlka.
XIGASHO:- BBC