Home Ciyaaraha Waa kee daafaca iska diiday Arsenal & Chelsea si uu ugu biiri...

Waa kee daafaca iska diiday Arsenal & Chelsea si uu ugu biiri Inter Milan?

SHARE

Daafaca bidix ee kooxda VfL Wolfsburg Ricardo Rodriguez ayaa iska diiday inuu ku biiro kooxaha Chelsea iyo Arsenal.

Wargeyska Daily Star ayaa sheegay in ciyaaryahankan uusan dooneyn inuu aado kooxaha horyaalka Ingiriiska, laakiin uu jeclaan lahaa Italy.

Tababaraha Chelsea Antonio Conte ayaa la fahansan yahay inuu dalab ku kacaya  £21m ka gudbiyay ciyaaryahankan si uu ugu adkeeyo daafaciisa.

Sidoo kale tababare Arsene Wenger ayaa isha ku haya saxiixa ciyaaryahankan hadii uu ku guul dareysto heshiiska daafaca da’da yar ee Valencia Jose Gaya.

Wargeyska The Sun ayaase ogaanaya in Rodriguez uusan dooneyn horyaalka Ingiriiska laakiin uu jeclaan lahaa inuu ku biiro kooxda Inter Milan ee horyaalka Italy