Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa la soo gaba gabeeyay Arraaji qabashada Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Guddoonka Aqalka Sare, oo maanta ku ekeyd.
Guddiga Qaban qaabada Doorashada Guddoonka Aqalka Sare ayaa soo gaba gabeeyay diiwaan gelinta Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Guddoonka Aqalka Sare, waxaana la diiwan geliyay 16 Musharax.
Guddiga ayaa Warbaahinta u sheegay in ay meel wanaagsan mareyso qaban qaabada Doorashada Guddoonka Aqalka Sare, maadaama Saddex kadib Doorashada ay dhici doonto.
Xubnahan loo xil saaray qaban qaabada Doorashada Guddoonka Aqalka ayaa waxa ay ka kooban yihiin 6 Xubnood, Waxaana shaqada loo igmaday ay tahay keliya qaban qaabada iyo agaasinka Jadwalka Doorashada Guddoonka Aqalka Sare.
Maalinta Sabtida ah ayaa lagu wadaao in la dhageysto khudbadaha Musharaxiinta isku soo taagay xilka Guddoonka Aqalka Sare, iyadoo maalinta xigta ee Axada Taariikhduna ay ku beegan tahay 22-ka Bishan ay dhaceyso Doorashada.