Valencia Oo Si Joogta Ah Kula Wareegtay Weeraryahan Ay Milkiyadiisa Iska Laheyd Kooxda Juventus

Kooxda Valencia ayaa ku dhawaaqday inay kala soo wareegtay kooxda Juventus weeraryahan Simone Zaza, iyadoo u soo bandhigay heshiis afar sannadood ah oo ku eg 2021.

Warkaan ayaa waxaa lagu sheegay warbixin rasmi ah oo ay soo saartay kooxda reer Spain oo u qorneyd sida tan:

Simone Zaza waxa uu noqon doona hantida Valencia laga bilaabo 1da bisha July, waxaana uu saxiixi doonaa qandaraas dhamaanaya bisha Juun 2021. Tani waa heshiiska aan la saxiixanay Juventus.”

Weeraryahanka oo ku fashilmay amaahdii uu ku joogay West Ham ayaa haatan waxa uu heshiis amaah ah ku joogaa Valencia isagoo Los Che u dhaliyay labo gool isbuucaan, waxaana haatan ay kooxda xaqiijisay inay si joogta ah kula wareegtay weeraryahanka Talyaaniga.

Juventus ayaa iibka Zaza waxa ay ku heleysaa 16 milyan euro iyo labo milyan euro kale oo ku xirnaan doonta qaab ciyaareedkiisa.