Dowladda Ingiriiska oo ka hadashay Abaarta Soomaaliya ayaa waxa ay sheegtay in ay lacago kale ku bixineyso sidii wax looga qaban lahaa Abaaraha daran ee ka jira Soomaaliya.
Lacagta ay Dowladda UK ugu deeqeyso Abaaraha ka jira Soomaaliya ayaa cadad ahaan waxa ay gaareysaa 100 Milyan oo Dollar, si loogu badbaadiyo dadka ay Abaaraha saameeyeen.
Sidoo kale Dowladda Ingiriiska ayaa waxa ay sheegtay in lacagtaasi ay ka mid tahay lacagaha ay ugu talagashay ka hortagga Abaaraha ka jira Bariga Afrika gaar ahaan Soomaaliya, iyadoo sidoo kale ka digtay in Abaaraha Soomaaliya ay ku sii fidaan Degaano cusub.
Qaramada Midoobay gaar ahaan Hay’adaheeda gar gaarka ayaa waxa ay sheegeen dad ka badan 5 Milyan oo Qof in ay wajahayaan xaalad cunto yari ah, loona baahan yahay dadkaasi in la badbaadiyo.
Hay’adaha Caalamiga ah ee gar gaarka dhanka Bani’aadannimada ayaa waxa ay wadaan dadaalo dadka Abaaraha ay saameeyeen loogu gurmanaayo.