Uganda-RisaalaFM- Maxkamadd ku taalla dalka Uganda ayaa dembi ku heshay rag lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen labo qarax oo sanadkii 2010-ka lagu qaaday labo goobood oo lagu daawanayay ciyaartii ugu dambeysay ee tartanka kubadda cagta ee sanadkii 2010, kaasi oo ay ku dhinteen in kabadan 70 qof.
Qaaliga ayaa shan qof ku helay dambigaasi, saddex kalena dambi ayaa lagu waayay, waxaana hadda wali socota go’aan ka gaarista shan qof oo kale.
Alfonse Owiny-Dollo, oo soo xiganaya dadka markhaatiyada ah ee horeyba looga maxkamadeeyay ku lug lahaanshaha arrintani ayaa waxa uu Ciisa Axmed Luyima ku helay dembi ah in uu soo maleegay qaraxyadaasi ay gaysatay kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya.
Dadka eedeysaneyaasha ah oo lix ka mid ah ay u dhasheen Kenya, shan reer Uganda ah iyo labo Tanzanian ah ayaa waxa ay sheegeen in jirdil lagu sameeyay si ay u qirtaan dambiyadaasi basle sheegashadaasi ayaa waxaa ku gan seyray maxkamadda.
Xaakiimka maxkmadda,lfonso Owiny-Dollo, ayaa haseyeeshee, sheegay in raggani aan lagu tilmaami karin in ay ka tirsanaayeen urur argagxiso, maadama dawladda Uganda aysan u aqoonsanyn Al-Shabaab in ay tahay urur argagxiso sanaddii 2010-kii.
Waxay ku doodeen in sirdoonka dalalka Britian iyo Maraykanka ay jirdileen, balse maxkmadda dastuuriga ay Uganda ayaa eedayntaasi ku gacan sayrtay.
Billowga dhagaysiga xukunkan ayaa saacado dib loo dhigay maanta kadib markii ay korontada maxkmadda go’day.
Ammaanka maxkmadda ayaa aad loo adkeeyay.
Dowladda Uganda waxaa Soomaaliya ka jooga kumanaan askeri oo Alshabaab la dagaalama.