Trump oo ka weecday xalka labada dawladood

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donal Trump ayaa ka weecday siyaasaddii Maraykanka ee ahmiyadda siinaysay xal labo dawladood ah oo dhexmara Falastiiniyiinta iyo Israa’iil.

Trump oo uu weheliyo ra’iisalwasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa shir jaraai’d ka ku balan qaaday in uu horseedi doono nabad “ballaaran”, laakiin wuxuu sheegay in loo baahan yahay in labada dhinacba ay waajib tahay in ay isu tanaasulaan.

Israa’iiliyiinta iyo iyo Falastiiniyiinta ayaan wadahadallo nabadeed oo wax ku ool ah yeelanin tan iyo 2014kii.

Trump ayaa intii uu shirka jaraa’id ka hadlayay ka codsatay Netanyahu in uu “dib u dhigo xoogaa” deegaamaynta.