Home Caalamka Trump oo Israa’iil uga digay qabsashada dhulka Falastiiniyiinta

Trump oo Israa’iil uga digay qabsashada dhulka Falastiiniyiinta

SHARE
President Donald Trump speaks before signing an Executive Order at the Treasury Department, Friday, April 21, 2017, in Washington. (AP Photo/Alex Brandon)

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayaa sheegay in deegaanmeynta ay Israel sameyneyso ay ka dhigtay hannaanka geedi socodka nabadda mid adag, isagoo ku booriyey in hannaanka ay dhawraan.

Sidoo kale, wuxuu u sheegay wargeys laga leeyahay Israel in aanu aamin saneyn in Palestinian-ta iyo Israel-ba ay dhab ka tahay oo ay diyaar u yihiin hirgelinta nabadda.

Sidoo kale, wuxuu ku hanjabay inuu hakin doono gargaarka haddaaney Palestinian-ta oggolaan wada hadalada. Hadalkan u danbeeyey ee hoggaamiyaha Mareykanka ayaa yimid kadib markii wareysi uu siiyey wargeyska muxaafidka ee Yisrael Hayom oo Israel laga leeyahay la daabacey axaddii.

Boaz Bismouth, oo ah tifaftiraha wargeyska mar uu weeydiiyey waxa Mareykanka ka yeelayo wada hadalada nabadda, Trump waxa uu yiri: “Waynu la soconeynaa waxa dhaca. Haatan Palestiniyiinta uma eka kuwo diyaar u ah ka qeyb qaadashada geedi socodka nanbadda, sidoo kale Israel iyaguna ma cada mowqifkooda iyo sida ay diyaar ugu yihiin iney hannaanka nabadda ka qeyb qaataan, sidaa darted waxeynu dhawreynaa bal sida ay wax u dhacaan.”

Mar wax laga weeydiiyey deegaameynta Israel waxa ay u dhibi karto qorshaha nabadda, wuxuu yiri: “Waan kala hadli doonnaa. Deegaan meynta waa wax mar waliba aad u adag, kol walbaba waxey murjiyaan geeddi socodka nabadda Bariga Dhexe, sidaa daraadeed Israel waa iney si addag uga feejignaataa arrinta deegaan meynta.

In ka badan 600 ,000 oo Yuhuuda ayaa ku nool illaa iyo 140 deegaano gaaraya, kuwaasoo la dhisay wixii ka danbeeyey 1967-dii, markii ay Israel xoog kula wareegtay Daanta Galbeed iyo Bariga Qudus. Sharciga caalamiga waxa uu u aqoonsan yahay deegaan meynta la sameeyey xiligaas wixii ka danbeeyey sharci daro, inkastoo ay Israel dood addag galiso.

Qeyb kamid ah wareysiga oo la daabacey jimcihii ina dhaafey, ayuu Mudane Trump ku sheegay in u aqoonsashada caasimadda Israel ee magaalada Qudus ay u aheyd sanadka koowaad waxyaabaha mudnaanta koowaad u leh.