Trump oo eedeeyay Qaramada Midoobay

Madaxweyne Trump ayaa sheegay maamul xumada ka jirta Qaramada Midoobay in ay u diiddeeyso in ay gaarto awoodaha ay leedahay .

Mr Trump waxaa u ka hadlayey kulan gaar ah oo ka dhacy magaalada New York, waxaa uu ku baaqay in hay’addu ay dib u hanato kaslooonideedii isla markaana ay la xisaabtanto dhamanan heerarka kala duwan ee maamulka.

Waxaa uu garwaaqsaday in xoghaya guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres uu bilaabay sidii loo xalin lahaa dhibaatooyinkaas.

Xukkumadda Washington kuma faraxsana in hadda ay bixiso 28% dhaqaalaha nabad ilaalinta ee caalamka.

Mr Trump waxaa uu ku adkeystay in mustaqbalka aanu jiri doonin dal laga yaabo in uu bixiyo qiimaha saamigaasi xisaab la’aanta ah.

Dhankakale, xoghaya guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa sheegay dadku in ay ka gar naqi doonaan Qaramada Midoobay iyo awoodeeda iyo saameeynta ay ku leedahay nolosha dadka dunida.

Hadal uu halkaasi ka jeediyay ayaa xogahayaha guud, Guterres waxaa uu sheegay in hab maaamulkan mudada dheer soo jiray ee Qaramada Midoobay uu habeenkii kusoo jeedo laakin waxa uu intaasi ku daray hadda Hay’addu ay noqoneeyso mid nidaamsan oo wax tar leh.