Madaxweynaha waddanka Mareykanka, Donald Trump, ayaa waxa uu dalbaday in cod loo qaado dib u habaynta lagu sameynayo adeegga daryeelka caafimaad ee dalkaasi, si meesha looga saaro qorshihii uu sameeyay maamulkii Obama, inkastoo aanay weli caddayn in ay xisbigiisu uu haysto taageero ku filan si ay arrintaa u meel mariyaan.
Kaddib maalin ay guuldaraysteen wadahadallo ka socday magaalada Washington, ayaa waxaa la filayaa in cod loo qaado arrintan maanta oo Jimco ah.
In meesha laga saaro oo la badalo adeegga caafimaad ee Obamacare ayaa waxa ay muhiim u tahay ajandaha Trump.
Madaxweyne Trump ayaa ka dalbaday xildhibaanada xisbigiisa jamhuuriga in ay maanta oo Jimco ah cod u qaadaan isbadalka lagu sameynayo sharcigan.
Waxaa uu ku hanjabay in haddii ay arrintaasi dhici weydo uu ka socon doono, taa oo ka dhigan in sharcigaasi uu sii jiri doono.
Usbuucan oo dhan ayuu Trump waxa uu isku dayayay in uu ka dhaadhiciyay xubnaha xisbigiisa in u codeeyaan qorshihiisa caafimaad ee uu ku badalayo ObamaCare.