Toogasho ka dhacday Magaalada Jowhar

Kooxo hubaysan ayaa  waxa ay dil ka gaysteen Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe, sida ay xaqiijiyeen dadka degaanka.

Dilkaan ayaa wuxuu ka dhacay xaafadda Horseed ee Magaalada Jowhar, waxaana la dilay nin shacab ah oo Tima Jare ka shaqeynaayay, kadib markii dhawr xabadood ay ku dhufteen dableydii hubaysnaa.

Ninka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cabdalla Saalim Sayid, wuxuuna ka mid ahaa dadka xirfada Tima jarista ku shaqeysta, inkastoo illaa hadda aanan la ogeyn dilkiisa wuxuu salka ku haayo.

Raggii hubaysnaa ee dilka gaystay oo watay Bistoolado, ayaa ka baxsaday goobtaasi markii dhawr xabadood ay ku dhufteen Cabdalla oo halkaasi ku geeriyooday.