Tony Adams oo lagu sheego ciyaaryahankii ugu muhiimsanaa taariikhda Arsenal ayaa wuxuu daaha ka qaaday in uusan dib ugu soo laaban doonin Gunners, inta uu tababare ka yahay Arsene Wenger.
19 sanno ayuu Tony Adams u shaqeynayey Arsenal, wuxuuna ahaa daafac dambeedka dhexe ah. Sidoo kale kabtankii hore ee xulka England ayaa 10 koob oo waa weyn la qaaday Gunners. Kuna darso sannadkii 2002dii oo ahaa midkiisii ugu dambeeyey wuxuu ku guuleystay koobka horyaalka England Premier League iyo tartanka FA Cup.
Hase yeeshee, maamulka kooxda Arsenal dib uma aysan soo celin halyeeygaan muhiimka u ah taariikhdooda, Tony Adams ayaana daaha ka qaaday inuu afar jeer isku deyey inuu kooxda kusoo laabto balse laga diiday arrintaas sababtoo ah wuxuu eersaday hadalkii afkiisa kasoo baxay ee ahaa in Wenger uusan aheyn shaqsi loogu talogalay inuu noqdo tababare kubadda cagta ah.
50 sanno jirkaan ayaa haatan tababare u ah kooxda Granada ee ka ciyaarta horyaalka La Liga, wuxuuna xaqiijiyey in afartaas jeer ee uu isku deyey inuu kooxda ku laabto si uu maamul tababare uga qabto ay dhammaantood madaxda kooxdu iska indhotireen.
Adams oo taallo uga dhisan tahay bannaanka garoonka FLY Emirates Stadium, ayaana eersanaya inuu mucaarad weyn ku yahay siyaasadda tababaraha Faransiiska ah Wneger kaasoo awood ballaaran ku leh kooxda ka dhisan Waqooyiga London.
Isagoo la hadlayey buuggiisa Sober ee ay sida tixanaha ah u daabacdo majaladda The Sun, wuuu yiri: “Arsene ayaa ii arka shaqsi isaga kasoo horjeeda, wuxuu ii arka shaqsi isaga tartan kula jira. Wuxuu doonayaa inuu la shaqeeyo rag sida Pat Rice ama Steve Bould, ah waa laba nin oo caawiye usoo ahaa isaga muddo dheer, kooxdana si weyn ugu soo adeegay, balse kama cabsi qabo inay ka hor imaan karaan.
“Arsene awood buuxda ayuu ku leeyahay maamulka Arsenal oo dhan, wuxuu ka warqabaa inaan dhahayo ‘Goolal aad u liiday oo fara badan ayaa nalaga dhaliyey kulankaan, sidaas darteed igu dhaaf agaasinka afarta daafac ee dambe ciyaartaan nagu soo foolka leh’.
“Sababta ugu weyn maxay tahay? Maxaa yeelay Arsene ma ahan shaqsi loo sameeyey inuu dabiici ahaan tababare ka noqdo kubadda cagta, sababta labaadna waxay tahay waxaan aaminsan sanahay in uusan dooneyn inaan kooxda kusoo laabto. “
Adams wuxuu sidoo kale caddeeyey inay Manchester United laba jeer isku dayday inay lasoo saxiixato isaga, waana waqtigii uu sutida u hayey tababare Sir Alex Ferguson iyadoo dalabadaas dalab kasoo gudbisay sannadkii 1991dii iyo weliba 1996dii.
Wuxuuse caddeeyey inuu labadaas jeerba iska diiday dalabkii Man Utd sababtoo ah waxaa ku jiray keliya dhiigga kooxda Arsenal.