Taliyihii Ciidanka Booliska Qaybta Galbeed Gaashaanle Sare Maxamed Daahir Cabdulle ayaa xil ka qaadis lagu sameeyay, kadib khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska ahna Ku simaha Taliyaha ciidanka Booliska General Muqtaar Xuseen Afrax.
Xilka laga qaaday Maxamed Daahir Cabdulle, ayaa waxaa loo dhiibay Qaasim Axmed Rooble oo horay u ahaa Afhayeenka ciidanka Booliska Somaliya.
Sababta xilka looga qaaday Maxamed Daahir Cabdulle, ayaa waxa ay tahay inay isku dhaceen Ku simaha Taliyaha ciidanka Booliska Somaliya.
Qaasim Axmed Rooble, ayaa shalay si rasmi ah loogu wareejiyay xilkaan, wuxuuna hoggaamin doonaa hawlaha Booliska ee Degmooyinka qaybta Galbeed ee Gobolka Banaadir.
Maxamed Daahir ayaa ka mid ahaa saraakiisha ugu firfircoon ciidamada Booliska Soomaaliyeed.