Muqdisho-RisaalaFM- Cutubyo ka tirsan Ururka 60-aad ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ayaa maanta tababar u socday Labo biloood loogu soo gaba gabeeyay magaalada Muqdisho.
Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed C/weli Jaamac Xuseen (Gorod) ayaa xarunta Madaxtooyada Villa Somalia, Tababarkan ugu soo xirey cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Ururka 60-aad ee ilaalada madaxtooyada Soomaaliya.
Waxaa xiritaanka tababarkani goobjoog ka ahaa Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Cabdiweli Jaamac Xuseen (Gorod) Abaanduulaha ciidanka Xoogga iyo Saraakiisha Madaxtooyada.
Difaaca, Asluubta, la macaamilka madaxda iyo shacabka ayaa qayb ka ahaa tababarka ciidankan la siiyay, Taliyaha Ururka 60-aad ee ciidanka Madaxtooyadda G/S,Axmed Maxamed Cali (Afcaddey) ayaa sheegay iney dhowaan bilaabi doonaan Dufcadii Saddexaad ayna mar kasta saraakiisha ciidanku u diyaarsan yihiin ciidanka dalka in laga dhiso dhan walba.