Taliya Booliiska Yaman oo markii 2aad ka badbaaday weerar ismiidaamin ah

Taliyaha Booliiska ee dalka Yemen ayaa Axadii shalay ka badbaaday weerar ismiidaamin ah oo lagu qaaday kolonyo gaadiid ah oo uu la socday.

Weerarkaasi oo ka dhacay magaalada Cadan ayaa waxaa ku dhintay 5 kamid ah illaalada Taliyaha Shallal Shayei oo xiligaasi uu la socday Guddoomiyaha Gobalka Cadan. Labada mas’uul ayaan wax dhaawac ah soo gaarin.

Waa weerarkii labaad oo muddo asbuuc gudaheed ah uu Taliyaha uga badbaadayo qaraxyo lala beegsaday. Khamiistii lasoo dhaafay ayaa guriga uu ka degen yahay magaalada Cadan lagu qaaday weerar loo adeegsaday gaari bambaano lasoo saaray oo uu waday qof soo xirtay dharka dumarka.