Jose Mourinho ayaa lagu soo waramayaa inay isku dhacsan yihiin milkiileyaasha kooxdiisa Manchester United.
Warbixintaan waxaa daabacay joornaalka Sunday Mirror ee dalka Ingiriiska, wuxuuna caddeeyey inuu tababare Jose Mourinho ka careysan yahay sida ay kooxdiisu ugu guuldarreysatay inay gacanta kusoo dhigto xiddigaha uu ka calaameystay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda xagaagaan.
Tababaraha Man Utd Mourinho ayaa aaminsan in qoyska Glazer Family ee iska leh Red Devils ay isku deyayaan inay beec jaban kusoo helaan xiddigaha diiradda u saaran. Waxaana xusid mudan inuu Mourinho qarash gareeyey in ka badan 100 milyan oo ginni xagaagaan isagoo lasoo wareegay Romelu Lukaku iyo Victor Lindelof.
Mourinho wuxuu doonayaa in loo soo iibiyo garabka Inter Milan Ivan Perisic, oo uu taageere weyn u yahay laakiin Man Utd waxay ja cagojiideysaa inay kusoo iibsato 48 milyan oo ginni.
Mourinho wuxuu sidoo kale doonayaa xiddiga Chelsea Nemanja Matic laakiin Chelsea ayaa u sheegtay inuu qiimihiisu yahay 50 milyan oo ginni. Sidoo kale Special One wuxuu shaki weyn ka qabaa haddii milkiileyaasha Man Utd ay diyaar u yihiin inay 100 milyan oo ginni ku qarash gareeyaan saxiixa Gareth Bale oo u ciyaara Real Madrid.
Guddoomiye ku xigeenka Man Utd Ed Woodward ayaa sidoo kale awood waayey inuu Mourinho u keeno xiddiga Tottenham Eric Dier, oo sidoo kale diiradda u saaran kooxda ka dhisan Old Trafford.