Taariikhda iyo goobta kulanka Trump iyo Kim Jong-un oo la shaaciyay

Madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump ayaa hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un kula kulmi doona Singapore 12 bisha June,sida uu sheegay madaxwayne Trump.

“Waxa aan labadeenaba isku dayi doonaa in uu noqdo kulan gaar ah oo jawi nabadeed u horseeda caalamka!” ayuu bartiisa Tweetar-ka ku soo qoray Mr Trump.

Bishii March, Mr Trump ayaa caalamka ka yaabiyay ka dib markii uu aqbalay casuumaaddii uu u fidiyay hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Labada hogaamiye ayaa horey isu waydaarsaday hanjabaado iyo aflagaado.

Arrintan ayaa timid ka dib wadahadalo ay yeesheen madaxda Kuuriyada Waqooyi iyo Kuuriyada Koonfureed.

Mr Trump ayaa tariikhda iyo goobta lagu qabanayo kulanka ku dhawaaqay saacado uun ka dib markii uu Mareykanka ku soo dhaweeyay saddex qof oo Mareykanka u dhashay oo ay soo siideysay xukuumadda Kuuriyada Waqooyi.

Siideyntooda ayaa ka dambeysay ka dib markii uu xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Mike Pompeo uu booqday Kuuriyada Waqooyi.

Aqalka cad ee Mareykanka ayaa sheegay in Saddexdani qof la sii daayay ayna tahay calaamad muujinaysa wanaag ka hor kulanka lagu wado in uu dhexmaro Mr Trump iyo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un.