Xulka koobka aduunka loo sadaalinayo sida weyn Brazil ayaa bar bar dhac 1-1 la galeen Switzerland kulan xiiso badnaa.
Kulankan ka tirsan Guruub E Brazil bandhig wacan ayay qaybta hore cayaarta sameeyeen waxaana gool aad u qurux badan shabaqa Switzerland dhex dhigay Coutinho daqiiqadii 20-aad.
Coutinho darbadii xoodka ahayd ee uu dhaliyay waxay ahayd mid culeeska ka qaaday xulka Brazil ayadoo bilawgii hore Switzerland kubad adag soo bandhigayeen.
Brazil ayaa inta badan kubada heestay qaybta hore waxayna kubada heesashada gaarsiiyeen 52% sidoo kalena Switzerland kama liidanin waxay kubada heesteen 48%.
Balse qaybtii hore cayaarta farqiga labada xul wuxuu noqday Coutinho dhaliyay mid ka mid ah goolasha ugu quruxda badan koobka aduunka 2018 la iska dhaliyo waxaana nasiino la aaday ayadoo Brazil 1-0 ku horkaceyso.
Qaybtii labaad cayaarta Switzerland ayaa gool bar bar dhac ah la imaadeen waxaana cayaarta 1-1 ka dhigay Steven Zuber daqiiqadii 50-aad asigoo madaxa la helay kubad koorno ahayd ee uu Shaqiri soo tuuray.
Brazil ayaa weerar cir iyo dhul ah ku qaadeen Switzerland balse daafac ahaan Swiss-ka waa la loodin waayay.
Neymar ayaa dhibaato badan loo geestay kulankan ayadoo cayaartooyda Switzerland ay ku galeen qaladaadkii ugu badnaa mararka qaarna toos ayaa bartilmaameed looga dhiganaayay.
Ugu dambeyntii kulankan ayaa 1-1 kusoo idlaaday ayadoo Brazil taako loo dhigay sidoo kalena Switzerland dhibic ay u dagaalameen heleen.