Switzerland oo cod u qaadaysa dabcinta shuruucda dhalasho bixinta

Dadka go’aankan ka soo horjeeda waxay ku doodayaan in isbadalkan uu faraha ka bixi doono shalasho bixintaLahaanshaha sawirkaREUTERS

Dadka go’aankan ka soo horjeeda waxay ku doodayaan in isbadalkan uu faraha ka bixi doono shalasho bixinta

Codbixiyeyaasha Switzerland ayaa u dareeray goobaha cod bixinta iyaga oo go’aanmin doona bal in la dabciyo shuruucda dhalashada lagu qaato ee dalkaas.

In aad ku dhalato Switzerland ayaan hubanti ka dhigaynin in aad dhalashada dalkaas heli doonto, dadka daganaanshaha haysta een dalka u dhalanina waa in 12 sano sugaan si ay u dalbadaan in dhalashada dalka la siiyo.

Imtixaano iyo waraysiyo ay dawladdu kula yeelato ayaana lagaaga baahan yahay, taas oo qaali noqon karta.

Hindisahan cusubse wuxuu ogolaan doonaa in jiilka saddexaad ee dadka soo galootiga ah laga daayo tallaanooyinkaas qaar ka mid ah.

Waxay si toos ah u saamayn doontaa dadka ku dhashay Switzerland, kuwaas oo waalidkood, ayeeyooyinkood iyo awoweyaalkood ay si rasmi ah u daganaayeen dalkaas.

Swiss: Gabdhaha Muslimiinta waa inay la dabaashaan wiilasha

Amiirkii hore ee Qadar Sheekh Khalifa oo geeriyooday

Yahya Jammeh iyo madaxda kale ee lagu eedeeyay in ay dheceen hanti

Dadka taageersan qorshahan waxay sheegayaan in ay qaabdarro tahay in dad ku dhashay, noloshoodda oo dhanna ku qaatay Switzerland la waydiiyo in ay dhexgaleen bulshada.

Dadka ka soo horjeedase waxay tilmaamayaan in talaabadaasi ay saamixi doonto in ay si dhib yar dhalasho ku qaadan karaan dadka dalka degen een u dhalanin Switzerland oo lagu qiyaasay in ay yihiin 25%.

Boor ama ogaysiis ay mucaaradku leeyihiin oo lagu dhajiyay wadada ayaa lagu qoray in qorshahan cusub uu dalka u hogaamin karo waxa loogu yeero “Islaamiyaynta”

Sodoonkii sano ee u dambeeyay waxaa guuldaraystay saddex isku day oo lagu doonayay in lagu khafiifiyo shuruucda dalkaas. Laakiin araada la qaaday waxay muujinayaan in codka Axadan uu noqon doono mid isku dhaw, magaalooyinka waawayn ayaa fikirkan taageersan, balse dadka baadiyaha degan ayaa ka soo horjeeda.