Suuriya oo siidaysay Maxbuus Mareykan ah

Wasaaradda Cadaaladda Mareykanka ayaa sheegaysa in dowladda Suuriya ay siidaysay muwaadin Mareykan ah oo la qabtay lana xiray isagoo galaya dalkaasi.
Wararka ayaa sheegaya in ninka la aqoonsaday oo la yiraa Kevin Patrick Dawes.
Mr Dawes ayaa la waayay kaddib markii uu Suuriya ka galay Turkiga sanaddii 2012.
Wararka qaar ayaa ninkaasi ku tilmaamaya inuu ahaa sawir qaade madax bannaan, kuwa kale ayaa waxa ay leeyihiin waa qof sodcaalka jecel, kuwa saddexaadna waxa ay leeyihiin waxa uu ahaa dagaalyahan iskii socod ah oo xitaa mar hubka la qaaday maleeshiyaadka Liibiya.
Afhayeenka wasaaradda Mark Turner ayaanan xaqiijin huwiyadda qofka arrimo la xiriira xogtiisa shakhsiyadeed, hasayeeshee waxa uu ku tilmaamay qof xabsi ku jiray oo aan la afduuban, waxa uuna sheegay in uu rumaysan yahay in lagu sii daayay gudaha magaalada Dimishiq.