Soomaaliya iyo Masar oo ka wada hadlay xiriirka Labada dal “Sawiro”

Masar-RisaalaFM-Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee Xukuumadda Soomaaliya iyo wafdi uu hogaamnayo oo ku sugan dalka Masar ayaa kulamo kala duwan la yeeshey mas’uuliyiinta dalkaasi.

Mudane C/qaadir Sheekh Cali Baqdaadi Wasiirka Diinta iyo Awqaafta ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa ku soo dhaweyeey magaalada Qaahira ee dalka Masar mas’uuliyiinta safaaraddaasi oo uu ka mid yahay siihayaha safaaradda Soomaaliya.

C/qaadir Sheekh Cali Baqdaadi ayaa ku amaanay mas’uuliyiinta safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi Masar dadaalka ay ugu jiraan xoojinta xiriirka dhanka wadashaqeynta iyo diblomaasiyadda labada dal.

Dalalka Soomaaliya iyo Masar ayaa ka wada hadlay arimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin iskaashi iyo xiriirka labada dhinac.

Muddooyinkii ugu dambeyeey waxaa sii kordhayay xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Masar.

12

43-