Hargeysa-RisaalaFM- Maamulka Soomaaliland ayaa digniin adag u jeediyay Dad la sheegay inay halkaasi ka abaabulayaan rabshado ay kaga soo horjeedaan howsha tirinta codadka ee doorshooyinkii dhacay dhawaan.
General C/laahi Fadal Iimaan Taliayaha ciidanka Booliska Soomaaliland ayaa sheegay in Magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Ceerigaabo ay ka dhaceen rabshado, isagoo ku baaqay in la joojiyo wixii wax u dhimaya ammaanka.
Gen. Fadal ayaa intaa raaciyay inay tallaabo ka qaadi doonaan ciddii nabad-galyada wax u dhinta, ayna gacan adag ku qaban doonaan amniga oo uu sheegay in lagula xisaabtami doono Dadka ka dambeeya.
Guddiga doorashooyinka Soomaaliland ayaa horay u shaaciyay inayan jirin wax is daba marin, markii uu xisbiga Waddani sheegay inay ku gacan sayreen qaabka ay u socoto tirinta codadkii la dhiibtay.